Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & Warar sheegaya in …

Muqdisho (Halqaran.com) –  Qarax khasaare geystay ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Isgoyska Blac Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu ahaa miino, kaasi oo ka dhacay meel u dhow xarunta shirkadda Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa inay ka agdhawaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Shabakadda Halqaran.com u xaqiijiyay in laba ruux ay ku dhinteen qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, walow aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya, in bartilmaameedka qaraxaasi uu ciidamada dowladda ee goobtaasi ka dhawaa, walow dadka qaarna ay sheegeen, in qaraxaasi lala rabay xarunta Shirkadda Somtel ee Black Sea.

Maalmihii la soo dhaafay, ayaa waxaa jiray digniino loo jeediyay shaqaalaha shirkadaha Somtel iyo Dahabshiil, taasoo la xiriirtay in aysan u shaqo tagi karin xarumaha Shirkadaasi, waxayna digniintaasi ka soo yeertay Ururka Daacish.

Ururka Daacish ayaa dhaqaale ka rabtay labadaasi Shirkadood ee mataanaha ah, iyadoona qaraxani uu ku soo aadayo xilli shaqaalaha shirkadaasi digniino loo jeediyay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...