Muqdisho (HalQaran.com) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaaro Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Fardhiye, ayaa la sheegay inuu Casuumaad ka helay Villa Somalia, kadib markii maalmo un ka hor uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh kasoo laabtay dalka Jabuuti oo looga yeeray.
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu gaari doono magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka Casuumaada lagu sheegay mid ku qotonta Khilaafka SSC-Khatuma kala dhexeeya Somaliland.
Hoggaamiye C/qaadir Firdhiye ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmi doona Madaxda DFS iyo Beesha Caalamka gaar ahaan Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.
Fardhiye iyo Beesha Caalamka ayaa kawada hadli doona Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo, waxa uuna ka dalban doona Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, DFS ayaa Hoggaamiyaha SSC-Khatuma kala hadli doonta Seddex arrin oo kala ah :-
1-Dhiibista Maxaabiista iyo Gaadiidka dagaal ee laga qabsaday Somaliland.
2-In DFS aysan aqoonsan doonin SSC-Khatumo, waa haddii ay la midoobi weyso Somaliland.
3-In SSC-Khatumo aysan wada shaqeyn la sameyn karin Puntland, islamarkaana Ciidamada Puntland dibada looga saaro Laascaanood.
Dhinaca kale, Casuumaada loo fidiyay Hoggaamiye SSC-Khatumo ayaa imaaneysa kadib markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle uu todobaadkii hore u yeeray dhiggiisa Somalia Xasan Sheekh, isagoo faray in SSC uu ku biiriyo Somaliland.
Xafiiska Wararka HalQaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.comÂ