Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Ismiidaamintii ka dhacday Caasimadda Ankara ee Turkiga

Ankara (HalQaran.com) – Shaqsi isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu Abaarihii 9:30 daqiiqo ee barqanimadii maanta oo Axad ah isku qarxiyey Afaafka hore ee Dhismaha Taliska Guud ee Anniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye ee magaalladda Ankara.

Wararka hordhaca ayaa sheegayo inay 2 Askari ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Ali Yerlikaya ayaa sheegay inay Labo dabley ah mas’uul ka ahaayeen Qaraxaasi, iyadoo uu mid is-qarxiyey, halka mid kale ay Ciiddanka Ammaanka ka takhaluseen “neutralized”.

Dhanka kale, Qaraxaasi waxa uu ku soo beegmay saacado ka hor Furitaanka Kal-Fadhiga Barlamaanka dalkaasi.

Labada Duhurnimo ayuu furmi doonaa Shirkaasi oo uu Madaxweyne Erdoğan iyo dhamaan Xildhibaanada ka soo qeyb geli doonaan.

Ciiddamo badan ayaa la soo dhigay daafaha Dhismayaasha Barlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Si kastaba, ma kala cadda Kooxda ka dambaysay Is-Qarxintaasi, balse waxa uu Falkaasi ku soo beegmay iyadoo ay Milliteriga Turkish-ka Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo Daacish.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...