Dhuusamareeb (HalQaran.com) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco deegaanada maamulkaas, isla markaana doorasho la aado bilaha soo socda ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, waxayna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, hadana u sharaxan madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo garbihiisa ay taagnaayeen siyaasiyiintii u raacday Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Wasiir Fargeeti oo faahfaahin oo bixiyey waxyaabihii ay kala soo hadleen Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu horeyn ay Xasan Sheekh kaga soo tacsiyeeyeen geesiyaashii ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee hoggaamintiisa uu u joogo magaalada Dhuusamareeb.
Halka hoose ka daawo Shirka jaraa’id ee Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com