Friday, June 12, 2026
27.5 C
Mogadishu

RW Xamsa oo adkeeyey xuquuqda shacabka ee helidda biyo nadiif ah & Koronto qiimo jaban

Muqdisho (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey  Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii  Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

RW ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan  biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...