Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sagootiyay ciidamo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (HalQaran.com) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday, inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta Al-Shabaab ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso, gobonimadeenno waa haaf inta ay Al-Shabaab dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen”, sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku dheeraaday dhibaatada Al-Shabaab muddada dheer ay ku heeysay shacabka Soomaaliyed, isago oo sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka Al-Shabaab arxanka daran ee Al-Shabaab dalkana guud ahaan laga sifeen doonno Al-Shabaab.

Si kastaba, ciidamada xoogga dalka ayaa kawada deegaannada fara ku tiriska ah ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysaneyso howlgallo looga saaray Al-Shabaab si Shacabka Soomaaliyeed u helaan xornimo iyo in la gaarsiiyo adeegyada dowaladnimo oo ay u baahanyihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com