Nairobi (Halqaran.com) – Dowladaha Turkiga iyo Kenya ayaa kala saxiixanaya heshiis cusub oo dhigaya in canshuur dhaaf loo sameeyo badeecadaha loo kala dhoofiyo labada dal.
Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Kenya Ahmet Cemil Miroglu, ayaa sheegay in labada dal sanadkan kala saxiixanayaan heshiis laba dhinac ah oo canshuur dhaaf ah loogu sameynayo badeecooyinka u kala goosha labada dal.
Sida uu diblumaasiga Turkiga ah sheegay labada dal ayaa doonaya in ay horumariyaan xiriirkooda laba dhinaclaha ee dhanka ganacsiga.
“Masuuliyiinta labada dowladood horay ayay isu dhaafsadeen qoraal qabyo ah oo ku saabsan heshiiskan laba dhinaclaha ah ee canshuur dhaafka ah waana la dhameystiri doonaa” ayuu yiri Safiir Miraglu.
Turkiga ayaa Kenya u soo dhoofiya alaabooyin kala duwan sida dharka,agabka guryaha iyo xafiisyada halka ay Kenyana dhankeeda dhoofiso Bunka,khudaarta iyo alaabaha dhaqanka.
Miroglu, ayaa hadalkiisa ku sii daray in ay rajo fiican ka qabaan in badeecooyin badan oo Kenya laga qaado lagu iibin doono suuqyada dalka Turkiga.
Heshiisyada dhanka ganacsiga ee labada dal u dhexeeya ayaa gaaray 2018 ilaa 227 milyan oo lacagta Mareykan ah.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com