Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa shalay qabatay xaflad lagu xusayo saddex sano guuradii ka soo wareegatay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga 15-kii July 2016.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho waxa ay qeyb ka aheyd dhammaan safaaradaha Turkiga uu ku leeyahay wadamada caalamka oo shalay xusayay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga saddex sano ka hor.
Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa safaaradda Turkiga kala qeyb galay xuska afganbigii dhicisoobay ee Turkiga ee shalay galab oo Isniin aheyd lagu qabtay Muqdisho.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn ee xafladdan ay tahay xuska dadkii shuhadada ahaa ee isu dhigay Taangiyada wixii ugu qaalisanaana bixiyay habeenkii 15-kii July.
“Maanta waxa aynu xuseynaa geesiyaashii shuhadada ahaa iyo nafhurkii ay sameeyeen muwaadiniinta Turkiga ee ay kaga hortageen isku-daygii argagaxisanimo ee afganbiga ee ay soo abaabuleen fuliyeenna xubnaha ururka argagixisada ah ee FETO” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Sooomaaliya.
In ka badan 250 qof ayaa ku dhintay ku dhowaad 2000 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen intii uu socday iskudaygii dhicisoobay ee ay wadeen qaar ka mid ah ciidamada Turkiga.
Boqolaal muwaadiniin Soomaaliya ah ayaa maalin kaddib dhacdaa caasimadda Muqdisho isugu soo baxay iyaga oo lulayay calamada Soomaaliya iyo Turkiga waxa ayna taageero u muujinayeen dowladda sida dimuqraadiga loo soo doortay ee uu hoggaamiyo Rejeb Ordogaan iyaga oo ka soo horjeeday iskudaygii afganbi ee dhacay habeenkii 15-ka July 2016.
Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay iskuullo iyo xarumo caafimaad oo uu maamulayey wadaadka Turkiga ah ee Mareykanka degan ee Fatxullaah Gulen kaas oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay inuu ka danbeeyay afganbigii dhicisoobay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com