Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Nin dil wadareed ka geystay Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug, ayaa sheegaya, in ciidamada booliska degmada Gaalkacyo ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen Nin dil-wadareed ugu geystay 5 qof toddobaadkii la soo dhaafay duleedka magaalada Muqdisho.

Eedeysanahaan ayaa lagu magacaabaa Aweys Cismaan Cabdi, wuxuuna 5 ruux oo shacab ah ku laayay deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug, Gaashanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ka bixiyay soo qabashada eedeeysanaha, isagoo xusay in dabagal dheer oo ay ku ogaadeen in xalay abaare 10-kii fiidnimo ama 4 Saac uu soo galay Gaalkacyo.

Sidoo kale, Gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay in aroornimadii Jimcihii saaka ay gacanta Ku soo dhigeen, isagoona dhanka Kalana xusay in Sharciga la horgeyn doono sida ugu deg dega leh.

Guddoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee Ciidanka booliiska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada, isagoo ugu baaqay Shacabku inay la Shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo.

Waxay aheyd, 9-kii bishan markii deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho uu dil wadareed ugu geystay eedeysanahaan, dad ka kooban shan ruux oo ay ka mid ahaayeen, haweeneey oo ay hore u kala tageen, nin hadda qabay iyo Aabaheed iyo dad kale oo ka tirsan qoyska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...