Jabuuti (Halqarna.com) – Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay, inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay waddankaasi.
Wasiirka Gaadiidka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Maxamed Muuse Axmed ayaa sheegay in 18-kii Bishii Maarso ee sanadkaan ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah, kadib markii kiisas badan oo Coronavirus ah laga helay Jabuuti.
Maxamed Muuse Axmed, ayaa sheegay in hadda dalka Jabuuti uu kiisaska COVID-19 hoos u dhacay, isla markaana ay qorsheynayaan in maalinta berito oo Sabti ah ay dib u furaan duulimaadyada Caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka ee Jabuuti ayaa intaasi ku daray in dhaqaalaha dalka Jabuuti uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga, hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo dadka garoonka ka soo dega looga baaro Cudurka COVID-19.
Jabuuti ayaa ka mid ah waddamada Qaarada Afrika ee laga helay Cudurka Coronavirus, waxaana xayiraada dhinaca socdaalka ah lagu soo rogay dalkaasi uu sababay dhaqaala yari baahsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





