Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Musharrax Daahir Geelle oo war ka soo saaray qaraxii lala beegsaday Askar ka mid ilaaladiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka tacsiyeeyay askar ka mid ilaaladiisa oo xalay qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Musharax Geelle ayaa sheegay in labo ka mid ah ilaalada taliye Amnigiisa Masuulka ka ah uu ku dhinteen Qaraxa sidoo kalena uu ku dhaawacmay taliyaha Ciidanka ilaaladiisa.

Halka hoose ka akhriso warka uu soo saaray Musharax Daahir Geelle ayaa u qornaa sidan:

Waxaa caawa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ahna Alle ha siiyo dhammaantood.

Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...