Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa toddobaadka dambe ee soo socda lagu wadaa in Tallaalka cudurka Covid-19 uu gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Puntland ayaa noqon doonta halka ugu horreysa ee Tallaalka Covid-19 la keeno guud ahaa dalka Soomaaliya.
In ka badan 300,000 oo qof Tallaal loogu talagalay, ayaa sida qorshaysan la keeni doona magaalada Garoowe todobaadka dambe, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan.
Ugu dambeyn, Tallaalkan oo haatan ku diyaarsan magaalada Nairobi, waxa la qorsheeyay in uu Puntland soo gaaro 24-25 bishan March, iyadoo Garoowe noqon doonta halka kowaad ee laga bilaabo tallaalka COVID-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





