Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxday maxkmadda Caalamiga ah ee Caddaalladda ICJ ee la xiriirto dacwadii badda ee kala dhaxeysay Soomaaliya, ka hor dhageysiga loo qorsheeyay inuu bilowdo maalinta berri oo Isniin ah.
Sannadkii 2019, kiiska laba jeer ayaa dib loo dhigay, iyadoo xukuumadda Nairobi ku guuleysatay inay dib u dhigto markii saddexaad bishii Maarso 2020.
Laakiin isku daygeedii 4-aad, maxkamada ayaa diiday inay soo saarto dib u dhigidii Afraad ee sanadkan 2021-da, iyadoo ku doodeysa in qodobbada ay soo bandhigtay Kenya aysan ahayn kuwa wax ku ool ah.
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya, in aysan kaqeyb gali doonin soo gudbinta afka ah ee berri, halkaasoo maxkamadu horey u laheyd qirasho soo bandhigid isku dhafan, taas oo u oggolaan lahayd labada dhinacba inay midkoodna caddeyn ku soo bandhigaan jir, ahaan ama iyada oo loo marayo bandhig muuqaal ah.
Maxkamadda ICJ ayaa Isbuucii la soo dhaafay soo saartay jadwal socon doona ilaa Arbacada todobaadka soo socda, laakiin daqiiqadii ugu dambeysay Kenya, waxay la timid naxdin weyn.
Soomaaliya iyo Kenya midkoodna war kama soo saarin horumarkii ugu dambeeyay.
Laakiin kormeerayaasha ayaa sheegaya in maxkamadda ay u badan tahay inay sii wadi doonto dhageysiga, inkastoo jadwalka uu hadda yahay labada waddan. Dhageysiga ayaa lasiin doonaa kaliya Soomaaliya si ay u soo bandhigaan dacwadooda.
Isku soo wada duub, marka dhageysiga la sameeyo Isbuucan sidii loogu talagalay, hadana waxay qaadan doontaa ugu yaraan 4-6 bilo oo kale, ka hor intaan maxkamaddu xukumin. Tani waa sababta garsoore kasta uu u helaa waqti uu ku tashado kiiska oo ku saleysan dood iyo caddeyn la soo gudbiyey.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com