Addis Ababa (Halqaran.com) – Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee wakaaladda baqti nasiibka dalka Itoobiya oo BBC-da u warramay ayaa sheegay ninka baqti nasiibka ku guuleystay oo lagu magacaabo Kindee Asraat lix bilood kaddib in uu wakaaladda u keenay saddex tikit oo ka mid ah afarta tikit ee baqti nasiibka lagu muteysan lahaa.
Kindee ayaa ku guuleystay lacag gaareysa 12 malyan oo bir ah taas oo ah lacagta waddanka Itoobiya, waxa ayna u dhigantaa ku dhowaad 300 oo kun oo doolar.
Ninkaan ayaa sheegay in uu si aad ah u isticmaalo baraha bulshada ku xiriirto gaar ahaan Facebook, waxa uuna sheegay in uu arkay xayaysiis lagu baadi goobayo qofka ku guuleystay baqti nasiibka sanadlaha ah.
Maalin ayaa waxaa laga soo wacay iskuul uu wax ka baranayey wiilkiisa waxaana lagu war geliyay in uu bixiyo lacagta iskuulka, wuxuu sheegay in uu ogaa in uu bixiyay lacagta iskuulka waxa uuna gudagalay in uu baadi goobo warqaddii caddeyn laheyd in uu bixiyay lacagta iskuulka.
Inta uu raadinayay waraaqaha uu lacagta ku bixiyey waxa uu boorsadiisa ku arkay mid ka mid ah tikityada laga raadinayay baraha bulshada, balse waxa uu ogaaday in ay weli dhiman yihiin laba tikit oo kale, waxa uuna xasuustaa in uu goostay saddex ka mid ah tikityadaas.
Maalmo markii uu raadinayay tikityadii ugu dambeyn waxa uu ku guuleystay in uu helo tikityadii ka dhimanaa, taariiqdu markii ay aheyd March 5,2021.
“tikityada baqti nasiibka aan ku helay ma xasuusto meeshii aan ka goostay balse waxa aan umaleynayaa ‘Shaashamane ama Arb-Micnh midkood in ay aheyd” ayuu yiri mar uu u warramay BBC-da.
Kindee ayaa sheegay in 12-ka malyan oo uu ku guuleystay 8 malyan oo ka mid ah la siiyo shacabka ku barakacay dagaallada Tigreey ka dhacay.
Wakaaladda baqti nasiibka Itoobiya ayaa muddo 60 sano ah bixineysay baqti nasiibka isugu jira sanadle iyo kuwo munaasabado gaar ah lagu saleeyo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





