Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya

Kenya (Halqaran.com) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay inay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray.

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay go’aanka ay qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey.

Dowladda Kenya ayaan shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.

“Tallaabadan niyad-wanaagga ah waxaa la qaatay ayada oo la eegayo danta labada dal iyo in la rajeynayo inay horseedi doonto in si buuxda loo soo celiyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in shuruurdda kaliya ee laga doonayo dhammaan dadka ka imaanaya Soomaaliya ee galaya Kenya ay tahay inay sitaan shahaadada tijaabada COVID-19 ee muujineysa inaysan cudurka qabin, marka laga reebo ilmaha da’doodu ka yar tahay shan jirka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...