Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Ciidamada xoogga dalka oo howlgalo ka sameeyay gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay in miinooyin lagu aasay.

Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay ka sameeyeen deegaanka bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Balow iyo Nuunaay.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa sheegay in howlgalka ciidamada ay ku guuleysteen inay kusoo saaraan  afar miinooyinka dhulka lagu aaso ah, kuwaas oo lagu aasay inta udhexeeysa degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkan ku sheegay in uu yahay mid looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha hogaamineysay howlgalkan ayaa sheegay iney sii wadi doonan howlgalada lagula dagaalamayo AL-shabaab kuwaas oo ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...