Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Dibad-bax lagu dalbanayo soo celinta askartii loo qaaday Eritrea oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritra loo qaaday aaway? inta dhimatay maahanee inta kale hala bad-baadiyo iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta, iyaga oo ilmeynayey ayaa ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ka hadlo arrintan, si ay u helaan xogta rasmiga ah ee ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada la geeyey Eritrea.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...