Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo ka qeyb galay baroordiiqda qoyskii Muslimiinta ahaa

Canada (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeyb galay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario.

Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaari u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso ah.

Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeyb galay baroordiiqdan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...