Monday, December 15, 2025
26.4 C
Mogadishu

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan ayaa koox hubeysan waxaa ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka baxsaday raggii ka dambeeyay falka.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo kamid ahaa dad joogay goobta ayaa ku geeriyooday weerarka dhacay, halka laba qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo durbo la dhigay xarun caafimaad, si loogu dabiibo.

Laba kamid ah dadka dhintay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Liiban Cumar iyo Cumar Nuur Colow oo kamid ahaa Ganacsatada magaalada Dhuusamareeb, waxaana saddexda qof ee geeriyooday la aasi doonaa maanta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caasimadda maamulka ka wada baaritaano kala duwan oo ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyey ee xalay dhacay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...