Tigray (Halqaran.com) – In ka badan 350,000 qof ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa waxaa heysta xaalado macluul, iyadoo malaayiin kalena ay halis ku jiraan, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka kuwaas oo ku eedeeyay iska hor imaadka musiibadii ugu xumeyd ee cunno muddo toban sano.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo warantay in madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Mark Lowcock uu sheegay shalay in macluul ay ka jirto Tigray tirada dadka ku jira xaaladaha macluushana ay ka badan tahay meel kasta oo adduunka ah, daqiiqad kasta tan iyo markii rubuc milyan Soomaali ah ay naftooda ku waayeen sanadkii 2011 kii .
Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in 5.5 milyan ee shacabka Tigray ay badankoodu ay u baahanyihiin gargaar cunno.
Si kastaba, colaada gobolka Tigray oo billaabatay bishii November taas u dhexeeysay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya kuwa Eritrea iyo kuwa jabhada TPLF, ayaa waxa ku dhintay kumanaan, iyadoo ku qasabtay laba Million oo qof in ay ka qaxaan guryahooda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





