Los Angeles (Halqaran.com) – Jilaaga caanka ah ee Leonardo DiCaprio ayaa iibsaday guri sare oo uu iska lahaa jilaaga kale ee la yiraahdo Jesse Tyler Ferguson, qiimaha gurigan lagu iibsaday ayaa ah lacag gaareysa $7.1 milyan.
Jilaaga Jesse Tyler Ferguson ayaa gurigan oo ah guri u dhisan qaab casri ah ayna u dhammeystiran yihiin wax yaabaha aasaasiga ah uu sanadkii 2013 ku iibsaday lacag gaareysa $4.6 milyan.
DiCaprio ayaa sanadkii 2018 iibsaday guri kale oo u dhow midkan hadda uu iibsaday isagoo markaas ku iibsaday lacag gaareysa $4.9 milyan, waxaana ay ku yaalaan magaalada Los Angeles.
jilaagan ayaa la sheegay in uu gurigan hadiyad ahaan u siiyay hooyadiis.
Sawirada guriga uu iibsaday jilaaga Leonardo DiCaprio.






Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





