Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Gabar Soomaali oo 19 sano jir ah oo lagu dilay Mombasa-Kenya

Mombasa (Halqaran.com) – Najmo Macalin Cabdullaahi oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ka baxay Dugsiga Sare ayaa meydkeeda laga helay deegaanka Bonji ee Magaalada Mombasa, ka dib saddex cisho oo la la’aa.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada marxuumadda ayaa sheegay in gabadha ay ugu war dambeysay gelinkii dambe ee Arbacadii, saddex cisho ka dibna ay meydkeeda heleen.

Xasan Bashiir ayaa tilmaamay in gabadha ay is raaceen gabar kale oo saaxiibo ahaayeen, markaasna ay ugu dambeysay.

“Gabar yar bay ahayd oo 19 jir ah. Gabadha waxay maqneyd saddex cisho, waxay baxday Arbacadii 4-ta galabnimo. Gabar kale oo saaxiibteed ah ayay guriga iska raaceen, oo ay u raacday meel la dhaho Martini.” Ayuu yiri Xasan Bashiir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meydka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo loo gaystay, isagoo intaa ku daray inaanay garanayn sababta loo beegsaday gabadha.

“Gabadha dhaawacyo ayaa ka soo gaaray jirkeeda meelo ka mid ah, sida wejiga dhinaca dhabanka, kelida oo kale, ilkaha oo afka hore ah. Dhaawacyada meelahaas ayaa ugu weynaa.” Ayuu yiri Xasan Bashiir.

Sidoo kale Xasan Bashiir ayaa yiri “Gabadha sababta loo beegsaday weli maanan garanin, hadda baaritaan baan ku haynaa, baaritaankaas markaan dhameeno uun baan ogaan doonnaa, Insha’Allah.”

Xasan Bashiir ayaa sheegay in dilka gabadha ay kaga shakisan yihiin gabadhii ay saaxiibada ahaayeen ee guriga iska raaceen, taasoo ay soo xireen Booliska Kenya.

Si kastaba, Soomaalida ku dhaqan magaalo xeebeedka Mombasa ayaa ka carooday dilka halkaasi loogu gaystay gabadha dhalinyarada ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...