Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto.
Waxay labada dhinac ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka ee dalka, dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada.
Kulankan ayaa waxaa dib kaga soo biiray Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Somaliya, Donald Yamamoto oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada. Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle.”
Ugu dambeyn, saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo 1-dii bishii May uu hirgelinta doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





