Hargeysa (Halqaran.com) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa soo saartay warqad ay ku dalbaneyso in muddo cayiman loo qabto xilliga la ansixinayo xubnaha golayaasha deegaannada Somaliland ee la soo doortay iyo wakhtiga ay yeelan karaan fadhiyadooda ugu horreeya.
Waxay maxkamaddu warqad toos ugu socoto wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland soo saartay ayaa sheegtay wasaaraddu inay soo sheegtay wakhti la ansixinayo xubnaha lagu soo doortay doorashadi ka dhacday Somaliland 31-kii bishii May.
Doorashada Somaliland ka dhacday bishii May oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqotay tii todobaad ee Somaliland ka dhacdo tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 30 sanadood ka hor.
Ugu dambeyn,m doorashada Golayaasha wakiillada iyo Deegaannada Somaliland ayaa ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah sida ay sheegeen xukuumadda iyo guddiga doorashooyinka.

Xafiika Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





