Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee feyruska Corona

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in feyruska Corona ay ka bogsoodeen 10 qof oo cusub 24kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,995.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 3 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo jooga Somaliland (3) qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,779.

Bukaannada cusub 2 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 1 bukaan ayaa u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 774 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, ayna qaataan talaalka cudurka oo laga heli karo isbitaalada Martini iyo Banaadir.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...