Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Aroosaddii ayaa ku dhex geeriyootay xafladdii arooska waxaana isla goobta lagu badalay gabadh la dhalatay!

India (Halqaran.com) – Aroos ka dhacayay waddanka Hindiya ayaa yeeshay waji kale kadib markii aroosaddii mar kaliya dhulka ku dhacday iyada oo meyd ah ka gadaal markii uu wadnuhu istaagay xilli xafladda aroosku socotay.

Meydkii aroosadda ayaa goobtii laga qaaday iyadoo qol kale la geeyay waxaana caruuska oo lagu magacaabo Mangesh Kumar isla goobta loogu guuriyey gabadha dhimatay walaasheed.

“Waan garan weynay waxa aan ka sameyn laheyn xaaladda soo korortay labada qoys way fadhiisteen waxa ayna ku heshiiyeen in gabadha dhimatay walaasheed loo guuriyo caruuska,” ayuu yiri Saurabh oo walaal la ah gabadha dhimatay isagoo la hadlayay Local News Channel TV9.

Bishii la soo dhaafay ee May ayay aheyd markii dhacdo kale oo tan lamid ah ay ka dhacday magaalada Maharajpur markaas oo uu meesha ka cararay caruuskii waxaana lagu badalay nin kale oo ay qaraabo yihiin caruuska baxsaday.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...