Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Maamulka Galmudug oo soo saaray digniin ku socota shacabka

 

Galmudug (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka bilaabay deegaano hoostaga caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysan sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Beer Liibaan Galle, Dharjo iyo Hogdugaag oo Dhuusamareeb u jira 70-KM.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo ka hadlay howlgalka ayaa shacabka ugu baaqay in aysan la shaqeyn Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiye Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa sheegay in cidii lagu ogaado inay la shaqayso Al-Shabaab ay u arkaan inuu lamid yihiin Shabaabka, isla markaana uu maamulka ka qaadi doono tallaabo sharci ah.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maxkamadda ciidamada qeybta 21-aad ayaa iyaguna sheegay inay sii socon doonaan howlgalka la doonayo in Shabaab looga saaro deegaanada ay Dowlad Goboleedka Galmudug kaga sugan yihiin.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...