UK (Halqaran.com) – Boqortooyada UK ayaa shaacisay in afar dal oo kale lagu dari doono liiska dalalka aan loo ogoleyn in ay soo galaan boqortooyada Ingiriiska sababo la xiriira caabuqa Corona.
Dadka ka imaanaya dalalka Cumaan, Qatar iyo Soomaaliya ayaa loo diidi doonaa in ay soo galaan UK laga billaabo Jimcaha.
Dadka heysta baasaboorka Ingiriiska ama Irish, ama kuwa heysta daganaashaha UK ayaa loo ogolaan doona in ay soo galaan Ingiriiska, balse waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay karantiil ahaadaan muddo 10 maalmood ah.
Itoobiya ayaa sidoo kale lagu daray liiska casaanka Isniintii, halka Portugal iyo Mauritius laga saaray.
Tallaabooyinka cusub ayaa dhaqan galaya 19-ka bishaan, dalalka cusub ee lagu daray liiska ayaa ka dhigan in afar dowladood oo carab ah ay hadda ku jiraan liiska casaanka ee boqortooyada UK: Cumaan, Qatar, Soomaaliya iyo Imaaraatka oo lagu daray bishii Janaayo.
“waxa ay gacan ka geysan doontaa yareynta halista noocyo cusub oo corona ah sida kuwa markii ugu horreysay lagu arkay wadamada Koonfur Afrika iyo Baraasiil.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay boqortooyada UK.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





