Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoor-qoor oo goordhaw Muqdisho gaaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Qoor-qoor ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ee dhawaan ka furmaya Muqdisho, waxaana horey u sii joogay magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, balse waxaa wali Muqdisho soo gaarin madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...