Nairobi (Halqaran.com) – Garsoore Kenyaan ah oo la hadlay warbaahinta gudaha waddankaas ayaa sheegay in ay dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ay u gudbin doonaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, waxaana uu tilmaamay in qorshahaan ay dowladda diyaarisay ka hor inta aysan billaaban dhageysiga dacwadda oo maalinimadii shalay ka billaabatay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.
Kahor inta aysan dacwaddu billaaban, dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in ay damacsantahay in ay dib uga laabato kiiska oo ay cabashadeeda u gudbiso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey, oo ay hadda xubin aan rasmi aheyn ka tahay.
Qaar ka mid ah aqoonyahanada Kenya ayaa tilmaamay in markii horaba aysan rumeysnayn in ICJ ay aheyd meesha ugu wanaagsan ee lagu xalliyo Khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





