Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19 kaas oo shalay la geeyay dalka.

Tallaalka ayaa laga bixiyay cisbitaalka Martiini kaas oo lagu dabiibo dadka qaba xanuunka COVID-19. Sidoo kale waxaa tallaalka qaatay Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur.

Shalay ayay aheyd markii Muqdisho la keenay 300 oo kun oo tallaal, hasa yeeshee waxa ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay qeyb ka tahay 1 milyan iyo 200 kun oo tallaal oo Soomaaliya filaneyso.

“Mas’uuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinta si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkaan safmarka ah ee dunida saameeyay, muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkaan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeena caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...