Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxda Koonfur Galbeed, Galmudug & Hirshabeelle oo shir uga furmay Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed uga furmay shir wadatashi ah madaxweynayaasha maamullada, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Saddexdaan maamul goboleed ayay kulankan uga hadlayaan arrimo dhowr ah iyo sidii ay mowqif mideysan ay ula tegi lahaayeen kulanka uu beri ku marti qaaday Madxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Galmudug, Qoor Qoor oo hadal ka jeediyay shirka maanta uga furmay Baydhabo ayaa sheegay, in madaxda saddexda maamul lagu xanto inay wadashaqeyn la leeyihiin Madaxda DF Soomaaliya, hayeeshee arrintaasi ay aad ugu faraxsan yihiin.

Qoorqoor ayaa intaasi raaciyay, in madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in iyada oo ra’iisul Wasaare la Magacabin aysan meelna tegin, hayeeshee ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay inay qorsho cad la yimaadaan.

Ugu dambeyn, gunaanudka Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay Warmurtiyeed ka soo saaraan shirkooda, islamarkaana ay soo gaaran magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir uu ku casuumay Madaxweynaha JF Soomaaliya Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...