Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo gaaray Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Magaalada Baydhabo waxa horay u sii joogay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana qorshaha uu yahay in Shir Saddex Geesood ah inuu halkaasi uga furmo.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha ku saabsan doorashooyinka Dalka, iyadoo labada Madaxweyne dowlad Goboled ee Puntland iyo Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah ku casuumay Madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira shirkaasi oo sida qorshaha uu yahay Villa Soomaaliya iclaamisay Maalinta Berri ah, balse aan la ogeyn sida uu ku qabsoomi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...