Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

DEG DEG: Qarax xooggaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow na soo gaaray ayaa sheegaya, in qarax xogogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga madaxtooyada Villa Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya, in qaraxani uu ka dhacay bar koontarool oo laga ilaaliyo Villa Soomaaliya, gaar ahan Koontaroolka Ciidanka ilaaliya Madaxtooyada.

Koontaroolka Qaraxa ka dhacay ayaa wuxuu ku dhaw yahay halka loo yaqaan Xaawo-Taako, waxaana wararka ay sheegayaan qaraxa inuu ahaa Ismiidaamin uu fuliyay ruux naftiis halige ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya, in qaraxani ay ku dhinteen laba qof, dad kalena ay ku dhaawacmeen. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi uu geystay.

Gaadiidka ambalaasta ayaa la arkaayay oo ku sii qul-qulaya goobta uu ka dhacay qaraxa.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...