Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle & Galmudug oo soo gaaray Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii Maanta ku shireen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxdaan waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir lagu dhammaystirayo hannaanka doorashada dalka oo Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku casuumay.

Waxaa jira warar kal hore soo baxay oo sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmi doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Ugu damebyn, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalinta berito ah ay kulan kula qaatan Magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...