Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Bakool & Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lala beegsaday

Xudur (Halqaran.com) – Diyaaradaha dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen degaan hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lala beegsaday Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta laga fuliyay Deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40km u jira Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isla markaana lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ma aanan sheegin magacyada saraakiisha Al-Shabaab ee duqeyntaas lagu dilay, hayeeshee waxaa ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano ka tirsan gobolka Bakool.

Mareykanka ayaa inta badan fuliya duqeymaha dhanka cirka ah ee lala beegsada Al-Shabaab, waxana Mareykanka uu sheegaa in uu ku dilo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, walow mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.

Si kastaba, degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa ay muddo dhowr sano ah u go’doonsan tahay Al-Shabaab, waxaana kajira dhibaatooyin kala duwan, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan qorsho go’doonka looga qaadayo degmadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...