Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Shirkii ay dhawaan ku baaqeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo baaqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa maalin ka hor waxaa ay ku  baaqeen in la qabto shir deg deg ah 30-ka Bisha Janaayo oo Maanta ku beegan, kaas oo looga hadlayo xalka gaarista khilaafka doorashooyinka balse shirkaasi uu baaqday.

War qoraal ah oo ay soo saareen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa aysan ku shaacin halka lagu qabanayo shirka iyo cidda martigelineyso, halka Madaxda Dowladda aysan ka jawaabin ka qeyb-galka shirkaas.

Sabtida maanta oo balantu aheyd qabashada shirkaas ayaan muuqan saan saan uu ku qabsoomayo, iyada oo Madaxweynayaasha 5-ta Maamul goboleed mid kasta uu ku sugan yahay degaankaasa.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa qoraal Jimcihii shalay kasoo baxay waxaa ay ku taageereen baaqa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland qabashada shirka oo haatan caqabad ay hareeysay.

Dhowrkii Bilood ee la so dhaafay ayaa waxa taagan caqabado ku gadaamay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxyaabaha ugu daran ee la isku haayana ay tahay Guddiga doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya oo musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Puntland & jubbaland ay sheegeen inay ku jiraan Xubno badan oo ka tirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo dad taageera Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, muddo xileedka Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan muddo todobaad ah, waxana weli muuqan qabashada doorasho heshiis lagu yahay, iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso saamileyda siyaasadeed ee dalka in doorashada lagu heshiiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...