Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo ka badbaaday isku day dil

Sanaag (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegaya, in guddoomiyaha gobolkaasi Cali Xuseen Soomaali uu ka badbaaday weerar lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay degmada Badhan.

Kooxa hubeysan ayaa rasaas ku furay guriga Guddoomiyaha gobolka Sanaag, waxaana goobjoogayaal sheegeen in wax khasaaro nafeed ah ka dhalan rasaastaas marka laga reebo burbur ka dhashay.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in raggii weerarka ku soo qaaday ay baxsadeen, islamarkaana aan weli la aqoonsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in laamaha Amniga dowlad goboleedka Puntland ay magaalada Badhan ka bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...