Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo Baarlamaanka hordhigay hindise Sharciyeed cusub

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Sabtida maanta waxaa u bilaawday Kalfadhiga 47aad tan iyo 25-kii October 2020 oo ay fasax ku maqnaayeen.

Kulanka 24aad kal-fadhiga 47aad oo maanta uga qabsoomay Xaruntooda magaalada Garoowe ayaa waxaa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, kaas oo Golaha uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Hindise Sharciyeed hanaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland oo uu Madaxweyne Deni u gudbiyay Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa diyaarinayay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo TPEC.

Arbacada soo socota ee toddobaadkan ayaa waxa la filayaa in Golaha Wakiilada Puntland inay dood adag ka yeeshaan Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland ee uu u gudbiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligaan ka hirgalay nidaamka Xisbiyada, waxaana mas’uuliyiinta Maamulkaas ay sheegeen in qorshahooda uu yahay in doorashada Madaxtinimada ay noqoto mid ay dadweynaha codeeyaan ee ah qof iyo Cod.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...