Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa waxa uu kulan uga furmay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Waxaana looga hadlayaa arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan qabashada shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, xilliga uu qabsoomayo iyo halka lagu qabanaayo iyo sidoo kale sidii xal looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka dalka oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin.
Xog lagu kalsoonyahay oo ay helayso Halqaran News ayaa waxa ay sheegayaan, in safarka Mareykanka ee Soomaliya Amb, Donald Yamamota uusan qeyb ka heyn kulanka sababo la xiriira in Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleen inay ka baxaan xeyndaabka garoonka Muqdisho
Xubanaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ku cadaadinayaan in heshiis ay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, maadaama uu gebagabo yahay mudada xil-heynta Madaxda Dowladda Soomaaliya.
Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen Madaxda dowlad Goboleedyada, si ay ugu cadaadiyaan in heshiis laga gaarao arrimaha doorashooyinka.
Si kastaba ha’ahaatee, kulanka maanta ee Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli uu baaqday kulan ay dhawaan ku baqeen in la isugu yimaado Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo 30-ka Janaayo ku beegneed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





