Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Wakiilka QM ee Somaliya ‘Swan‘ oo shaaca ka qaaday arrin muhiim ah oo uu kala hadlay ‘Muuse Biixi’ intii uu joogay Hargeysa!

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa golaha amaanka uga warbixiyay safarkii uu bishii hore ku tagay magaalada Hargeysa.

Danjire James Swan ayaa golaha u sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada mudada badan hakadka galay ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr. Swan ayaa ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi la sii wado si aan loo lumin dadaaladii ay ku bixiyeen xukuumadihii ka horeeyay madaxda talada haysa.

”Waxaan booqday Somaliland 27 ilaa 28-kii July ee la soo dhaafay waxaan la yeeshay Madaxda Somaliland wadatashiyo isbarasho ah”, ayuu yiri James Swan.

Wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, ayaa intaas ku sii daray ”Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada-hadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore”.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...