Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

AKHRI: Ahlu suna oo Go’aan halis ku DF Soomaaliya soo saartay, kaddib shir ay isugu yimaadeen (Maxaa Cusub?)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen Culimo u diinka Ahlusunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkaan waxa Shir gudoominaayay Hoggaamiyaha Ahlu sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay sida ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxday Macallin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlusunna, islamarkaana beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in arintaasi wax laga qabto.

Sidoo kale, ahlu sunna ayaa sheegtay in aysan oggolaan doonin in Ciidamo ka socda AMISOM laga geeyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arintaasi.

Haddaba, halkan hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...