Ceelwaaq (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo Jimcihii maanta dadka isugu soo baxay Degmada Ceelwaaq la hadlayay waxa uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Jubbaland.
Waxa uu shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay in ay taageeraan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Khamiistii shalay lagu doortay Doorasho ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Taliye Cabaas ayaa fagaare ka sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hoggaamiye waxqabad muuqda u sameeyay dadka Jubbaland, sidaas awgeed uu mudan yahay in la taageero.
Dadka kasoo horjeedo Axmed Madoobe waxa uu ku sifeeyay in ay lamid yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay la dagaalami doonaan sida uu hadalka u dhigay.
”Waa waajib in aan taageerno, tan kale waxa aan idiin sheegayaa, Axmed Madoobe ma ahan kuwa Laptop-ka ku hubeysan, ma ahan kuwa Baasaboorka Ajnabiga wata, mana ahan kuwa Qurbo joogta ee waa nin Dalka usoo halgamay, Ninkii maanta aan dooneen waa Al-Shabaab, dagaal ayaa nalaga dhaxeeyo” ayuu Yiri Col. Cabaas Ibraahim Gurey.
Ugu dambeyn, isku soo bixii maanta ka dhacay Degmada Ceelwaaq oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada, waxa uu isku badalay mid rabsho kusoo dhamaaday, kadib markii dadkii ka qaybgalayay qaarkood ay kasoo horjeesteen Axmed Madoobe.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com