DEG DEG + XOG LA HELAY: Xukuumadda Somaliya maxay hoggaamiye dagaal ugu magacowday Duqa Muqdisho! +SIR

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobalka Banaadir ugu magacaabay Cumar Maxamuud Maxmaed (Finish) oo horey uga tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Magacaabista guddoomiye Cumar Finish ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, dadka yaqaana ayaana kasii bixiyey faalooyin kala duwan oo ay qaarkood ku eedeynayaan dawladda Soomaaliya in ay hadda u muuqato mid dib u soo celinaysa nidaam-daraddii Soomaaliya.

Xog hoose oo laga helay saraakiil aad uga dhaw Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn tahay sidii loola dagaalami lahaa qorshaha ku wajahan maqam u sameynta caasimadda oo ay garwadeen ka yihiin siyaasiin ka tirsan baarlamaanka Faderaalka.

Waxay kaloo ay xogtu sheegeysaa, in la helo shaqsi awood ciidan u adeegsan kara mucaaradka dawladda ayaa kamid ah arrimaha Madaxweyne Farmaajo ku dhiirigalisay magacaabida duqnimada Cumar Finish.

Kasakow in uu ahaa hoggaamiye kooxeed maamulayay qeyb kamid ah degmada Madiina ee magaalada Muqdisho, kana xuubsiibtay maleeshiyaadkii Muuse Suudi Yalaxow, haddana wuxuu ahaa nin aad isku gaabiyey sanooyinkii u dambeeyey.

Dawladda Soomaaliya oo aan wali xog dhammeystiran ka keenin arrimaha ku wajahan baaritaankii Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir AUN Eng. Yariisow ayaa magacaabida duqan cusub ku beegtay, doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe markale Khamiistii shalay lagu doortay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com