Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Xildhibaannada Hirshabeelle oo la dhaariyay & guddoomiye KMG ah oo la doortay

Jowhar (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo magacaabay, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay u ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah oo ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona aqbalay xilkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...