Saturday, June 20, 2026
27.4 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Johannesburg (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in kooxo burcad Afrikaan ah ay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan magaalada Johannesburg.

Kooxda Burcad Afrikaanka ah ayaa dilay labo muwaadin oo Soomaali ah, iyagoona sidoo kale boobay hantidii taallay dukaamada.

Muwaadiniintan la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Koofur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku Ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...