Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiirka Waxbarashada ‘Goodax Barre’ oo dhagax dhigay Dugsiga barashada Cilmiga beeraha

Balcad (Halqaran.com) – Sii-hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad, kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka.

Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in DF Soomaaliya ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dusigaan beeraha Balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale, waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”, ayuu yiri Wasiir Goodax Barre

Sidoo kale, wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle, Dr Cabdulaahi Abuukar Xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Cabdullaahi Abuukar Xuseen, ayaa uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’an tahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Dugsigaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe, waxaana mashruucaan fulinayo DF Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...