Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay + SAWIRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Talaadadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Duqa Muqdisho, Cumar Filish, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan BF Soomaaliya,.

Sidoo kale qaar ka mid shacab la soo aruuriyay oo loo soo dhiibay Calanka Jubbaland ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland ee lagu soo dhaweeyay Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, kadib Safar uu kaga soo ambabaxay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirro, Xildhibaanno iyo qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Deni.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay kulan gaar ah Garoonka Aadan Cadde kula qaateen Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka iyo labadaan mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii heshiis wada ogol ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa maanta si wayn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan wadooyinka Magaalada sababo la xiriira wafdiga maanta yimid.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa inta ay ku sugan yihiin Caasimadda Muqdisho kulamo la qaadan doona Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

< 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...