Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxda Jubbaland & Puntland oo kulan kula leh Muqdisho Safiirka Mareykanka +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Safiirka u qaabilsan Mareykanka Soomaaliya.

Kulankaan oo ah mid ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa diiradda lagu saaraya Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale kulanka lagu waddo in uu dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo labada maamul goboleed.

Dowladda Mareykanka ayaa garwadeen ka ah Shirka dhexmari doona labada dhinac.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo Wufuud ay kala hoggaaminayaan ayaa Talaadadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...