Gedo (Halqaran.com) – Sii-hayaha xilka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka badbaaday qarax miino oo galabta lagula eegtay gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolkaasi.
Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiir Goodax Barre ayaa Axaddii maanta hawlo shaqo ah u tagay Gobolka Gedo, iyagoo ku hormaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, halkaasoo ay uga sii gudbeen Degmada Beled-Xaawo.
Wasiirka ayaa qaraxa oo dhulka lagu aasay lagula eegtay deegaanka Uunsi oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow, waana xilli ay ku sii jeedeen Degmada Doolow. Qaraxa ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen wafdiga Wasiirka.
Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga oo burbur uu ka soo gaaray qaybta hore.
Sii-hayaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xaqiijisay in wafdiga Wasiirka Waxbarashada ka badbaadeen qaraxaasi, isla markaana ay dib ugu soo laabanayan Magaalada Muqdisho.
Si kastaba, mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Khasaare dhimasho ah uusan jirin laakiin dhaawacyo ay jiraan, Wasiirkana hadda uu ku sugan degmada Doolow.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







